Donate To WAC

Subscribe to WAC enews

Xog-keyd af Soomaali ku qoran


Ku soo dhawoow Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha ama Workers’ Action Centre


Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha waa urur shaqaale ku saleeysan ee go’ansaday inuu hormariyo nolosha iyo xaaladda aay ku sugan yihiin shaqaalaha musharkooda hooseeyo iyo kuwa haysta shaqo aan meel ku sugnayn. Waxaan dooneyna inaan dhabeeyno in shaqaale walba cod ku yeesho halka aay u shaqa tagaan, isla markaasina lagula dhaqmo sharaf iyo maamus caddaalad ku dheehan.

Inaad ogaato xuquuqdaada shaqaale waa tallabo muhiim u ah inaad difaacato xuquuqdaasi. Macluumaadka hoos ku taxan ee af Soomali ku qoran ayaa inaga heli kartaa. Waxtar fiican iney kuu noqdaan ayaan rajeeyneeynaa.

Taxanaha “Baro Xuquuqdaada”



Tafaasiil intaasi ka badan iyo taageero haddad u baahato waxaad wacdaa Xarunta Waxqabadka Shaqaalaha (Workers’ Action Centre) Tel. 416-531-0778. Waa nasiib darro in aan wakhtigan xaadirka ah inoo shaqeeyn qof af Somaali ku hadla. Fadlan ina soo wac adigoo kula jooga qof qaraabadaada ah ama saaxibkaada ah ee kugu caawinikara tarjumaadda.

Waxaa kale aad waci kartaa Wasaaradda Shaqada 1-800-531-5551 si macluumaad dheeri ah u hesho. Wasaaradda Shaqada waxay hadda awoodda iney luqado kala duwan cawinaaddeeda ku bixisaa. Markaad wacdo, codso haddi la heli karo tarjumaan afkaaga ku hadlayo.

Wasaaradda Shaqada boggeeda shabakadda intarneetka waxaay leedahay oo kale war-keydyo tarjuman ee ku saabsan sharciyada shaqada iyo cafimaadka iyo arrimo quseeya badbaadada. Tag www.labour.gov.on.ca/english/multi/index.php si aad u aragto waxa laga helikaro halkaai iyo xiriirro kugu xira war-keydyada.